Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ee uu xiligiisu ku eg yahay bishaan August 20keeda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu ka mid yahay xubnaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya ee la gudbiyey. Guddiga Farsamada “Arbitrary Committee” ayaa sheegey in tiro xildhibaano ah gacantooda la soo galiyey, ayna ku howlan yihiin kala shaandeynta iyo critirea xubnaha cusub kaga mid noqon karaan Barlamaanka. Waxayna ilaa iyo hadda heleen xubno kor u dhaafaya 185, tiradaas oo suurtogal ka dhigeysa in barlamaanku fadhi yeelan karo oo uu koromkiisu soo idaaley.
Shariif Xasan Sheikh Aadan oo weli aan ku dhawaaqin inuu yahay Musharax Madaxweyne ayaa waxuu dhowrayaa tirada xildhibaanada siin karta codka kalsoonida ka hor inta uusan ku dhawaaqin Musharaxnimadiisa jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Haddiise uu waayo tiro ku filan oo xildhibaano ilaa beri oo la filaayo in la soo dhameystiro xubnaha kale, ayaa lagu soo waramayaa in si cad ugu dhawaaqi doono inuu yahay Musharax u taagan Jagada Gudoomiyaha Barlamaanka oo uu rabo in mar 3aad ku tartamo.
Haddii ay dhab noqoto in Shariif Xasan Sheikh Aadan isu soo taago jagada Gudoomiyaha Barlamaanka waxaa markaasi fadeexad iyo sharaf xumo u tahay shaqsiyaadkii qorey & ama hor-boodayay warqadda Declaration Form ama Dhaarta ee lagu sumadeeyey Golaha Digil & Mirifle, gaar ahaan Suldaan Warsame Ibrow oo Odayaasha Dhaqanka Beelaha D&M ku dardargeliyey iney ka saxiixaan xildhibaanadooda si looga hor-joogsado xildhibaanadaas in ay u tartarmi karaan Jagada Gudoomiyaha Barlamaanka haddii kale xubnahaasi xil ka qaadis lagu sameynaayo. Waxay u muuqataa maalmo yar un ka dib in xaalku siday maleynayeen uu ka bedelan yahay.
Soomaaliya oo in muddo ah ku jirtey fowdo iyo qalaase siyaadeed oo ay sabab u ahaayeen siyaasiyiin iyo dad wax ma garato ah oo hadba qiiro aan jirin iyo mowjado qabiil laga dhaadhacsho, dantii la rabana laga fushado, iyagoon aan marnaba eegin danta dalka & dadka iyo musuuliyada ay ummadda u haayaan. ayaa keentey is-aaminaad la’aanta ka dhex jirta beelaha iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo sidoo kale khilaaafka soo noqnoqda oo aan dhamaad laheyn. Waxaan sidoo kale la yaab noqotey bulshada Soomaaliyeed in qaar ka mid ah dhaqankii la siyaasadeeyo, isla markaasna ay shaqsiyaad kooban u adeegaan ujeedo qabiil iyo dan shaqsiyeed nidaam dawliga ah in dadka loo tusiyo. Waxaa xusid mudan in bulshada rayid Soomaaliyeed ay culeys ku saareen saxiixayaasha shirkii Garowe 1 & Garowe 2 in soo xulista barlamaanka laga wareejiyo saxiixayaasha 6da ah isla markaasna dhaqankii soo jireenka ee lagu yaqaaney cadaalada, dulqaadka badan iyo in qofkastaana waxuu mudan yahay kula dhaqma la siiyo awoodda soo xulista barlamaanka balse taasi bedelkeeda waxay qaar ka mid ah dhaqankii noqdeen kuwa hoos gala siyaasiinta isbedelka badan howshii loo ikmadeyna ay gacan bidixeeyaan.
Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Waxaa qoray
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com