C/naasir Seeraar oo ah Afhayeenka Maamulka Axmed madoobe ayaa sheegay in hub loo soo waday magaalada Kismaayo lagu qabtay Gobolka Shabellaha Hoose.

Mr Seeraar ayaa sheegay in hubkan oo gaari ku rarnaa uu ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho, isla markaana Kismaayo uu u soo socday.
“Hub Muqdisho laga soo diray ayaa lagu qabtay meesha la yiraahdo Afgooye, gaadiid xamuul ah ayuu ahaa, wasiirka arrimaha gudaha C/kariin ayaa soo diray”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
C/naasir Seeraar ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay horay hub u soo dirtay Kismaayo, kuwaasoo meel walba ka soo gelisay, isagoo ku eedeeyay inay Al-Shabaab gacan saar la leedahay.
Warar soo baxayay gelinkii dambe ee maanta ayaa sheegaya in gaari Hub sida lagu qabtay nawaaxiga deegaanka NO:50, inkastoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in la fashiliyay waxa uu ugu yeeray shirqool lala damacsanaa Jubaland, isagoo tilmaamay in wixii hada ka dambeeya wafdi laga soo diro Muqdisho aanay imaan doonin Kismaayo.

Idale News Online