Dhageyso: Ciidamada Maamulka Jubbaland oo guulo ka sheegtey dagaal maanta ka dhacey Kismaayo oo dhexmarey ciidamada dowlada iyo kuwa Jubaland

0
212

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa sheegey in ay guulo ka gaareen dagaal maanta ka dhacey magaalo xeebeedka Jubaland. Dagaalka oo ka dhacey duleedka magaalada Kismaayo Meel lagu magacaabo dalcada iyo xaafada Via Afmadow oo ay ku badan yihiin taageerayaasha dowlada Federaalka Soomaaliya

Dagaalki maanta oo ahaa mid aad u culus  dhinacyada dagaalamayaana aysan waxba isku reeban ayaa waxaa ugu danbeyn  loo awood  sheegtay  Ciidamadi Isbahaysiga ahaa ee uu hogaaminayay  Col Iftiin Xasan Basto.

Ciidamada Col Iftiin Xasan Basto oo asagu ka mid ahaa madaxweyneyaashi badnaa ee Kismaayo loga dhawaaqay ayaa waxaa laa soo  sheegayaa in ay u firxadeen dhanka galbeed ee Magaalada Kismaayo.

Dhageyso Jeneraal Fartaag oo ka hadlaaya dagaalka maanta:[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/Madaxeyne-ku-xigeynka-maamulka-jubbaland-claahi-sh-ismaaciil-farataag-oo-ka-hadlaya-dagaaladii-kismaayo-ka-dhacay.mp3]

Shir jaraaid oo uu magaaladaaasi ku qabtay  Gen Cabdilahi Sh Ismaciil Fartaag oo Madaxweyne kuxigeen ka ah Maamulka Jubbaland ee Kismaayo awooda ku leh ayaa waxaa uu ku sheegay in  Ciidamada Jubbaland ay soo afjareen dagaalki ay la galeen kooxo uu ku sheegay  in ay ka tirsanayeen Al-Shabaaab.

Gen  Fartaag waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay hada xasiloon tahay islamarkaana  ay hada ku jiraan sidii loo kala qaadi lahaa  qasaarihii ka dhashay Dagaalkaasi.

Idale News Online