Wada hadalo beri Nairobi ku dhexmari doona Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Dhinacyada saluugsan dowladiisa

0
230

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimada Arbacada wada hadal  lagu dhameynaayo xurgufta soo kala dhex gashey dowladiisa iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ku yeelan doona magaalda Nairobi ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya oo iyadu ka kala dab qaadeysa dhinacyada Somalia ee isdiidan ayaa waxay maanta diyaar qaas ah u direy Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” oo shir ka socdey Kismaayo loogu doortey inuu yahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland State si uu ugu qeyb noqdo wada hadalada la rabo in la isugu soo dhaweeyo Dowlada Somalia iyo maamuladaas.

Waxaa horey magaalada Nairobi ugu sugnaa madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo isagu aad u taageersan doorashada Madaxtinimada maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe isla markaasna dacwad ka dhan ah Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyey wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Nairobi.

Faroole ayaa ku eedeynaayo dowlada federaalka Somalia in ay wax ka bedel ku sameysey Dastuurkii Federaalka ee lagu soo heshiiyey taasoo af-hayeen u hadley dowlada Somaliyana ku tilmaamey eedeyntaas waxba kama jiraan.

Lama oga waxa ka soo bixi kara wada hadaladda dhex mari doona, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, balse waxa loo badinayaa in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud doonaayo in maamulka Axmed Madoobe ku qanciyo inuu ka soo qeybgalaan shir dib u heshiineed oo dowladu hormuud ka tahay isla markaasna ay ka qeyb noqonaayaan dhamaan dhinacyada ku lugta leh xasarada jubooyinka si iyaga oo wada jira u dhistaan maamul loo dhan yahay oo deegaankaas u horseeda nabad waarta.

Idale News Muqdisho