Wasiiradii ku xayirnaa garoonka Kismaayo ayaa ugu dambeyntii la geeyey hotel Cascaseey oo ku yaala gudaha Kismaayo

0
212

War hada soo dhacay ayaa xaqiijinaya in wasiiradii 3 maalmood ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo saaka loo ogolaadey inay gudaha u galaan  magaalada kadib wadahadalo dhexmaray Dowlada Madaxda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe ee Kismaayo.

Wada hadalada lagu furdaamay is mari waagii u dhaxeeyay labadaan dhinac ayaa waxaa ka qeyb qaatay jihooyin kale oo fududeeyay in xal loo helo arintii taganayd.

Warar hordhac ah o soo gaadhay Warsidaha Idale News Online ayaa sheegaya inuu jiro xiriir xalay dhexmaray wafdigii hore u sii joogey iyo maamulka Ksimaayo ka arrimiya kaas oo ilaa iyo hada aan la ogayn waxyaabihii laga wadahadlay iyo heerkii uu ahaa balse waxaa la ogyahay in wadahadaladaas  kadib wasiiradii loo ogolaadey in ay gudaha u galeen magaalo xeebeedka Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo magaalada.

Wasiirada ayaa lagu wadaa in caawa ay baryaan maaalada iyadoo sida lagu soo waramayo la filayo in maalinta bari ah ay ku noqdaan Muqdisho