Taliyaha Xoogga Dalka Somalia Jeneraal Indhoqarshe iyo Abaanduulaha XDS Jeneraal C/risaaq Khaliif oo maalintii 3aad ku xaniban Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

0
216
 Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaann in Maalinti labad ay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo  ku xayiran yihiin Saraakishi ugu saraysay Ciidamada Xogga Dalka Somaliyeed.

Saraakisha lagu xanibay  Garoonka Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Xogga Somalia Gen Indhoqarsho iyo Abaandulaha Ciidamada Xogga Somalia  Gen Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

Saraakiishan ayaa waqtiyo kala duwan soo garay garoonka Kismaayo waxaayna rabeen in ay gudaha u galaan  Magaalada kismaayo waxaana arinkaasi ka biyo diiday Maamulka Jubbalaand oo ka shanaya Ciidamada Amisom ee Kenya.

Col Maxamed Bulle oo ka tirsan Ciidamada Xogga Somalia oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay  in Sarakiishan aysan dib u laban doonin ila ay gudaha u soo galan magaalada Kismaayo.

Col Bulle waxaa uu intaasi ku daray in saraakishaan ay qaban amar ah in ay u tagaan  Ciidamada Xogga Somaliyeed ee ku sugan kismaayo una hambaliyeeyaan howlaha culus ee ay ka hayaan Kismaayo.

Xanibada Saraakiishan ciidan ayaa imanaysa xili maalinti shalay ahayd  lo diiday in ay yimaadan Magaalada Kismaayo  wafdi  heer wasiiro ah oo ay hogaaminayeen Wasiirada Gaashandhiga iyo Warfaafinta Dowlad Fadaralka Somalia.

Dhanka kala waxaa  Heerki ugu xumaa maraya  xiriirka u dhexeya Maamulka Jubbaland iyo  Dowlada Fadaralka Somalia waxana markasta la filan karaa in labadaasi dhinac uu dhexmaro dagaal lagu hoobto.

Idale News Online