Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo cabsi ka muujisay sii wadista mashaariicda horumarineed ee ay ka wado magaalada Muqdisho

0
224

Weeraro kala duwan oo ay Shabaab ka fulisay Muqdisho, ayaa ku qasbaya maal-geliyayaasha, ganacsatada yo hay’adaha gar gaarka inay fikrad labaad ka qaataan ballaarinta howlahooda magaalada Muqdisho.

Hay’adda bisha cas ee Turkiga ayaa dib u eegeysa howlaheedii magaalada Muqdisho, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan, sababo la xiriira walaacyo dhinaca amniga ah oo sii kordhaya, kadib weeraro dhowr ah oo ka dacay magaalada.

Mid ka mid ah weeraradaas ayaa lagu qaaday shaqaale gar gaar oo Turkish ah, waxaase ku dhintay 35 qof oo Somali ah.

“Waxaan ogahay in Turkiga uu dib u eegayo howliiisii Muqdisho, sababo la xiriira dhinaca amniga” ayuu yiri Eng. Cabdiraxmaan Yariisow oo ah afhayeenka dowladda Somalia.

“Sababo la xiriira amniga darteed, waa ay adag tahay xaaladda, Turkigu xaq ayay u lee yihiin inay xanaaqaan, hase yeeshee waxaan u sheegnay in kaalmadooda iyo caawimaadooda ay wax ka beddeshay Somalia” ayuu raaciyey.

Diblomaasi reer galbeed ah oo jooga Naiorbi ayaa sheegay in Turkiga uu noqday mid aad uga walaacsan rabshadaha ka dhacay Muqdisho, hase yeeshee waxa ay og yihiin ayuu yiri “In Muqdisho ay horumar sameeneyso”.

Omer Tasli oo ah agaasimaha guud ee Hay’adda bisha cas ee Turkey, ayaa sheegay in xaaladda amni ee Muqdisho ay tahay mid laga walaaco, hase yeeshee aysan dalka ka wada bixi doonin.

“Mararka qaar waa inaan joojinaa howsheena, haddii walaac dhinaca amniga ah uu jiro, hase yeeshee si rasmi ah uma wada soo afjareyno howlaheena” ayuu yiri Omer Tasli.

Dowladda Somalia, ayaa iminka Muqdisho ka bllowday ayada oo kaashaneysa ciidamada Amisom howl gal guri ka guri ah oo amniga lagu sugayo.

Idale News Online, Muqdisho, Somalia