Mid ka mid ah xilldhibaanadii laga hor istaagey kulankii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ka wada magaalada Muqdisho oo u waramayey idaacadaha Maxaliga ayaa ku eedeeyey in Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliye Kamaal Guutaale uu ka dambeeyey amarka is hortaaga xildhibaano gaaraaya 110 xildhibaan iney ku shiraan kana arrinsadaan mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Saacid.
Xildhibaan Maxamed Isaaq Fanax ayaa sheegey in iyagoo kulan uga socdo xarunta golaha shacabka Soomaaliya lagu soo wargeliyey in aysan ku shiri karain hoteelada magaalada Muqdisho oo ay xildhibaanadu ku balansanaayeen ayaa waxay durbadiiba ashtako arrintaan ku saabsan u gudbiyeen Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cismaan Jawaari oo isagu goobta shirka xarunta barlamaanka ka socday shir gudoominaayey si uu baaritaan ugu ameeyey sababta iyo cidda ka dambeysa amarka is-hortaaga qadada iyo shirka halkaas ka dhici lahaa.
Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa xiriir uu la sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha amniga iyo booliiska oo iyaguna xiriir toos ah la sameeyeen hoteelkii shirka ka dhici lahaa lagu ogaadey in Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Kamaal Guutaale bixiyey amarka iyo is-hortaaga xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliyeed ee ku shiri lahaa halkaas.
Lama oga talaabada ay dowlada ka qaadi doonto Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somalia Kamaal Guutaale. Hase ahaatee Xildhibaanada Soomaaliya ayaa ku celcelinaaya in xasaanada iyo sharafta xildhibaano 110 gaaraaya meel looga dhacey isla markaasna lagu doonaaya madaxda sare ee dowlada in si deg dega ah raali gelin uga bixiyaan, sidoo kalena talaabo sharciga waafaqsan lagu qaado Kamaal Guutaale, Agaasimaha Madaxtooyada Soomaliya si aysan mar dambe arrintaan oo kale u soo noqon.
Idale Newn Online.