Madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya William Ruto oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah wadamada Africa ayaa waxaa uu ka dalbaday ururka midawga Africa inay kordhiyaan tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya hawlgalada ka wada.
William Ruto waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda u baahantahay taageero ka kooban dhinacyada amaanka iyo siyaasadda waxaana uu sheegay iyadoo ay jirto halis sii kordhaysa oo ay Al-Shabab ku hayaan Soomaaliya iyo Kenya ay keenayso baahi ah in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM si ay meesha halistaas looga baxo. In Soomaaliya la nabadeeyo ayuu M/weyne ku xigeenku sheegay inay dawladiisu ahmiyad u leedahay isla markaanaay keenayso in qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ah ee Kenya ku nool dib dalkooda loogu soo celiyo. “Waxaan u baahanahay in Soomaaliya si buuxda loo nabadeeyo sabababtoo ah amaan darida Soomaaliya Kenya dhibaato ayay ku tahay’ ayuu yiri William Ruto M/weyne ku xigeenka Kenya.
Kenya oo ciiidamadeeda qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM dhawr jeer ayay dalbatay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM.
Idale News Online Mogadishu