Maamul la magac baxay Ganaane State of Somalia oo Baydhabo looga dhawaaqey

0
243

Wararka naga soo gaareya Magaalada  Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaaya in magaaladaasi looga dhawaaqey Maamul Goboleed la magac baxey Ganaane State of Somalia oo ka kooban  lix gobol oo ku yaala Koonfur Galbeed Somalia oo kala ah Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo.

Maamul Goboleedkaan cusub ayaa sida la sheegay Madaxweyne loogu doortay Nuur Maxamed Macalin, waxuuna shir jaraaid uu ku qabtey xaflad ka dhacdey magaalada Baydhabo ka sheegay in wax badan uu ka qaban doono arrimo badan oo ka mid yihiin Nabadgelyada goboladaas iyo horumarinta deegaanada uu maamulkiisa hoos yimaada.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaayo maamulo goboleedyo aan la isku waafaqsaneyn oo si gooni gooni loogaga dhawaaqaayo qaar ka mid ah gobolada dalka Somalia, taasoo dadku ay u arkaan fowdo iyo dhibaato hor leh oo dalka lugaha la galey.

 

Idale News Baidoa