Doorashada Madaxtinimada Jubbaland oo la filaayo iney dhacdo 15 May ama Maalinta Arbacada

0
194

Magaalo Xeebeedka Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo waxaa ka socota qabanqaabo loogu jiro doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland State. 500 ergo oo ka qeyb ah doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo diyaarshey kaararkoodii aqoonsiga, waxaana loo sheegey in maalinta Arbacada ee Bisha May ay tahay 15ka la isugu geyn doono airport Kismaayo halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedkaas ka kooban labda Jubbo iyo Gedo

Daawo Wararkii ugu dambeeyey ee qabanqaabada shirka halkaasi ka socda.


Shirka Maamul U sameynta Jubbaland ayaa u muuqda mid gabagabo ah, haddana waxaa muuqda khilaaf baahsan oo ku saabsan qeybsiga ergada oo guddiga farsamada shirka iska indha tirey. Waxaa jira in beelaha qaarkood ay ka baxeen shirka, halka dhanka dowlada Federaalka Soomaaliya ay iyaduna shirkaas Kismaayo ka socda ku tilmaamtey mid hareer marsan sharciga isla markaasna waxii ka soo baxa aysan aqoonsan doonin.

Idale News Kismaayo