Daawo Sawirada: Ugaaska Beesha Gasaargude oo si rasmi ah loo Caleemo Saaray

0
334

Gasaargude17

Boqolaal ruux ayaa waxay ka soo qeyb galeen Caleemo saarka Ugaaska Beesha Gasaargude, oo ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Ugaas Mustaf Ugaas Aadan Maamow ayaa waxaa loo caleemo saaray in uu yahay Ugaaska Beesha Gasaargude, oo ku nasab sheegata Beelweynta Digil iyo Mirifle.

Ugaas Mustaf ayaa wuxuu Ugaasnimada uu ka dhaxlay aabihii Ugaas Aadan Maamow, oo dhawaan ku geeriyooday Degmada Luuq, kadib markii muddooyinkii ugu dambeeyay uu la tacaalaayay xanuuno isbiirsaday.

Ugaas Aadan Maamow ayaa wuxuu ka mid ahaa Odayaashii Golaha Dhaqanka ee laga soo kala xulay Deegaanada Soomaalida, ee ka qeyb qaatay Ansaxinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, soona xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Bulshada ka soo jeeda Beesha Gasaargude ayaa si diiran u soo dhaweysay Ugaas Mustaf Ugaas Aadan Maamow, oo isagu si rasmi ah loogu boqray in uu yahay Ugaaska Beeshaasi.

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa laga hadalhayaa Caleemo saarka Ugaaska cusub ee Beesha Gasaargude, oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee degga Degmada faca-weyn ee Luuq.
Gasaargude11
Gasaargude12

Gasaargude13
Gasaargude14
Gasaargude15
Gasaargude16
Gasaargude17
Gasaargude18
Gasaargude19

Idale News Muqdisho