Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaja Muqdisho, halkaasoo wada hadalo kula qaatay Amb Donald Yamamoto.
Danjiraha cusub Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahad celiyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.
Hadii ay Mareykanku Soomaaliya Safaarad ku yeeshaan waxa ay sii xoojineysaa xiriirka labada dal waa Mareykanka iyo Soomaaliya.