Warbixin cusub oo la daabacay 9kii bishan ayaa lagu shaaciyay sida ay baasaboorada caalamka u kala awood badan yihiin marka loo eego dalalka lagu tegei karo iyadoo aan dal-ku-gal ama viso lagaa dooneyn.
Sida ay daabacday Shirkadda Henley & PartnersCitizens, dalka Japan ayaa ah wadanka Baasaoorkiisu uu yahay kan ugu awooda badan leh caalamka.
Baasaboorka Japan ayaa lagu tegi karaa viiso la’aan illaa 190 dal kadib markii dalka Myanmar horaantii bishan ay ka mid noqotay dalalka oggolaaday in Baasaboorka Japan lagu tagi karo dal-ku-gal la’aan.
Wadanka Singapore ayaa kaalinta 2aad ku jira iyadoo 189 dal lagu tegi karo,halka wadamada Afghanistan iyo Ciraq ay yihiin wadamada baasabooradoodu ay ugu awooda yar yihiin iyadoo lagu tegei karo 30 dal kaliya.
Baasaboorka Soomaaliya ayaa lagu tegi karaa illaa 32 dal sida lagu shaaciyay warbixintan waxana ay la siman tahay dalka Siiriya oo 32 dal lagu tagi karo.
Wadamada Maraykanka iyo UK ayaa kaalinta 5aad ku jira iyadoo qofkii haysta baasabooradooda ay awood u leeyihiin inay viso la’aan ku galaan illaa 186 dal.
Dalka Ruushka ayaa warbixintan lagu sheegay inuu hoos ugu dhacay kaalinta 47aad,halka Imaaraadka Carabta oo 2006dii ku jirey kaalinta 62aad uu sare ugu soo kacay oo galay kaalinta 21aad.
Sanadkii 2017 baasaboorada loogu jeclaa ayaa waxaa ahaayeen Sweden,waxaana ku xigey Belgium,Spain iyo Italy oo kaalinta 3aad ku jiray.