Marka:Ciidamada federalka oo ku guuleystay inay kala qaadaan Maleeshiyo beeleed muddo sanado isku hor fadhiyay

0
230

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen inay kala qaadaan maleeshiyo beeleed isku hor-fadhiyay xaafado ka tirsan degmadaas muddo afar sano ka badan.

Maleeshiyaadkan ayaa in muddo ah isku hayay magaalada Marka iyo deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, waxaana intii ay socotay colaada u dhaxeysa ay sababtay in dad fara badan ku dhintaan iyo degenaansho la’aan hareysay deegaanada ay isku hor-fadhiyeen.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa ku wacyi geliyay Ciidamada inay ka qeyb qaataan ilaalinta nabadgelyada iyo dowladnimada, isla markaana loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qeybaha bulshada ayaa qeyb ka ahaa kala qaadida maleeshiyaadka isku hor-fadhiyay xaafadaha Marka, waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay ka qeyb qaadaneyso nabadgelyada magaalada Marka oo muddo afar sano aheyn mid aan wanaagsaneyn.

Magaalada Marka iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo soo laab-laabtay, waxaana lagu guuldareystay dib u heshiisiin dhowr jeer la kala dhex dhigay beelaha dagaalamayay.