Proff gaas oo joojiyay kulan uu Wasiirka Qorsheynta ku qaban lahaa Garowe

0
216

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la xaqiijiyay inuu joojiyay kulan uu Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ku qaban lahaa magaalada Garowe, saacado kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii Kursigii ka banaanaa Golaha Shacabka ee shalay ka dhacday Garowe.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas oo ka maqan dalka uu amar ku bixiyay in la joojiyo kulanka uu soo agaasimay Wasiir Jamaal oo ka dhici lahaa Xarunta Jaamacadda PSU.

Kulankan ayuu Wasiir Jamaal kula hadli lahaa Ardayda Jaamacadda PSU ee Garowe, waxaana sidoo kale kulankaas khudbado ka jeedin lahaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran iyo La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha C/qani Cabdi Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in kulankaas loo joojiyay xiriirka Puntland iyo dowladda Dhexe oo ah mid aad u sii xumaanayay muddooyinkii u dambeeyay.

Xiisadda siyaasadeed ee uu dalka galay ayaa la sheegay inuu yahay kii xumaa ee abid soo mara dalka, kaddib markii Madaxda maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka