Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Ruushka, Qatar iyo Kosovo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Kosovo, iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal, iyadoo dowlada Kosovo Carabka ku dhufatay in Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn, taas badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi guddo, Waxayna halkaasi ku soo bandhigeen in Soomaaliya ay saafaarad ka furato Kosovo ayna fududeeyn doonaan adeegyada furista sadaarad Soomaliya ay ku yeelato halkaasi.
Sidoo kale Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavrov, waxaana ay ka wada hadleen sii wadida xiriirka labada dal
“Dowlada Ruushka waxay marwalba Diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya Iyo Soo celinta wada shaqeeyn xoogan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo Ruushka”ayuu yiri Sergie Lavrov.
Wasiir Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-Thani, waxaana ay ka wada hadleen wada shaqeyn dhow oo dhex marta Qatar iyo Soomaaliya, isagoo Wasiirka sheegay inuu ku faraxsanyahay la kulanka wafdiga Soomaaliya ku matalaya Shirka guud ee Qaramada Midoobay.