Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta leh kulan ka mid ah kulamada caadiga ah, iyadoo weli Golaha aanu go’aan ka soo saarin dooddii arrimaha amniga ku saabsaneyd oo todobaadkii hore saddex maalin laga doodayay.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa qorsheynaya in wax ka bedelaan qodobada xeer hoosaadka oo ka mid ah awoodaha Xildhibaanka leeyahay, waxaana jirta tuhun laga qabo in Guddoonka uu yareeyo awoodaha la xisaabtan ee Xildhibaanka leeyahay.
Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa ku bilowday qaab degan, iyadoo kulamadii u horeeyay ay hareeyeen dood culus oo Xildhibaanada Golaha Shacabka eedeymo kulul ugu soo jeediyeen Xukuumadda.
Guddiyada Difaaca iyo Amniga ayaa ka arrinsanaya doodii Xildhibaanada ka yeesheen arrimaha Amniga, waxaana u socda kulamo gaar gaar ah oo ay qaraar ka soo saari doonaan amniga Muqdisho, kaasoo dib loogu soo celin doono Baarlamaanka.