Culimada Somaliland oo ka jawaabay xeer diinta Islamka ka hor imaanayo oo la ansixiyey

0
205

Ujeedo: Bayaan Culimo (Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee

Lr78 / 2018).

Inaga oo ah ummad Islam oo jecel sharciga ilaahay kana soo horjeedna wax kasta oo lidi ku ah caqiidada iyo axkaamta shareecadeena suuban, waxaan inaga qarsoonayn in uu ku socdo dagaal maskaxeed oo baaxad weyn oo ku wajahan bulshada muslimka ah ee aynu ka midnahay, dagaalkaas oo midabbo badan leh, ujeedadiisuna tahay in ummada iyo diinteeda islaamka ah lakala fogeeyo lana burburiyo dhaqankii wanaagsanaa ee ku salaysnaa islaamnimada.

Hadaba dagaalkaas waxa loo marayaa wadooyin kala duwan waxaana lagu bixinayaa dhaqaale iyo dadaal laxaad leh, dagaalkaa muuqaaladiisa waxa ka mid ah in ummada laga dilo xishoodka iyo anshaxa suuban iyada oo dhegahooda laga badinayo maqalka arimo la xadhiidha dhaqan xumada, oo aan ka jirin gayigooda, waxa kale oo ka mid ah in la baddalo oo la laalo axkaamtii shareecada iyo ciqaabihii ilaahay u jideeyay fal danbiyada waaweyn, sida Sinada, cabitaanka khamriga, isticmaalka daroogada, qadafka iyo wixii lamida, iyadoo lagu bedalaayo xeerar lagasoo dheegtay xeerarka ummadaha aan muslimka ahayn, kuwaas oo xanbaarsan mabaadi iyo dhaqamo xun xun oo ka horimanaya dhaqankii ummadan ee ku dhisnaa islaamnimada, iyada oo la ogsoonyahay in ummad walba xeerarkeeda iyo dhaqamadeedu ku salaysanyihiin wax ay rumaysantahay.

Hadaba waxa inagu cusub xeer si degdeg ah loo marsiiyay golayaasha qaranka, xeerkaas oo lagu Magacaabay Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ( xeer LR 78 / 2018) xeerkaas oo ay ka biyo diideen in badan oo ka mid ah labada gole ee Baar- lamaanka iyo guurtida hase ahaatee aan loo joojin , shacabkuna ay ka muujiyeen inuu yahay xeer khilaafsan diintooda, dhaqankooda suuban, meel ka dhacna ku ah islaamnimadooda iyo sharaftooda.

Hadaba markaanu xeerkan u eegnay si cilmiyaysan oo ku miisaaman shareecada islaamka oo ka fog caadifad iyo laablakac waxa noo soo baxday inuu yahay xeer xanbaarsan gefef iyo qaladaad diineed iyo dhaqanba , ujeedada looga gol leeyahayna tahay in umadda lagu furo albaabka dhaqan xumada, iyada oo loogu gabanayo daryeelka nugulka ummada iyo ladagaalanka xadgudubyada jinsiga.

Sidaa awgeed waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa qodobada ugu muuqashada badan ee muujinaya khaladaadka xeerkan waajibinaya in la buriyo lagana toobadkeeno :

1 – Xeerkani wuxuu masabiday kuna been abuurtay shareecada islaamka waayo iyada oo ay cadahay sida uu lidiga ugu yahay shareecada islaamka axkaamteedana uga fogyahay, ayuu ku daray ujeedooyin ka xeerkan loo dajiyay inuu yahay xeer waafaqsan shareecada islaamka , dastuurka qaranka jsl , mabaadida guud ee cadaalada, qiyamka, iyo dhaqanka suuban ee ummadu leedahay ( eeg qodobka 3aad faqrada koowaad).

Waxaynu ogsoonahay ku been abuurashada ilaahay lagu been abuurto iyo shareecada in loogu abtiriyo waxaan kamid ahayn inuu yahay danbiyada ugu waaweyn ee ilaahay laga galo , siduu ilaahay yidhi:

2 – Xeerkani wuxuu afka ka dhawray inuu adeegsado areyga shareecadu u isticmaasho, muslimiintuna fahmi karaan oo ah ( Sino ) wuxuuna badalkeeda adeegsaday areyo kale sida : galmo iyo kufsi oo ah (sino loo isticmaalay awood iyo jujuub), waxuuna hoos geeyay wax aanay shareecadu Sino u aqoon, sida xubinta taranka oo lagu isticmaalo meel ka baxsan xubinta taranka iyo dabada , taas oo ula jeedadeedu tahay in ummada laga dhaadhiciyo in sinada foolxumada ahi ay tahay ta ku timaada si khasab iyo jujuub ku dhisan sida kufsiga , isla markaana sinada lagu kala raali yahay aanay ahayn denbi ciqaab lagu mutaysan karo. ( eeg cutubka koowaad , qodobada guud , qodobkiisa koowaad ee ku saabsan erey bixinta).

3 – Xeerkani wuxuu ku koobay Sinada fal danbiyeedka ah ta ku dhacda ogolaansho la’ aan ama lagula kaco qof aan ogolaansho bixin Karin ama lagu khiyaameeyay nooca sinada ama cida uu la sinaysanayo iyada oo sinada laysla ogolyahay aanu ku sheegin fal danbiyeed wax ciqaabana aanu u jaan goyn , waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay ( eeg qodobka 4 aad faqradiisa koowaad xarafka b)

A – hadii qofka sinaystay guur sharci ah soo maray in la arjumo ( dhagax lagu dilo).

B – hadii qofka sinaystay aanu soo marin guur sharci ah in lagu dhufto boqol jeedal sanadna laga mastaafuriyo deegaanka uu ku sinaystay.

J – Hadii uu ku sinaystay weerar hubaysan wuxuu mutaysanayaa in la mariyo ciqaabta shareecadu u dejisay budhcadnimada ee ku xusan aayada 33 ee suurada maaida.

Xeerkani xadkii sinada wuxuu ku bedalay xeer ciqaabeed kale oo laga soo dheegtay xeerarka ay samaysteen gaaladu sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo u badan xadhig . ( eeg qodobada 4 aad ilaa qodobka 15 aad ) .

5 – Xeerkani wuxuu fasaxayaa galmada dhex marta laba qof oo kasta oo isku jinsi ah ama kala jinsi ah, marhadii ay raali iskaga yihiin oo ogolaanshana bixin karaan , waayo wuxuu faldanbiyeed ciqaab lagu mutaysan karo ka dhigayaa galmada ku dhacda ogolaansho la’ aan , ama lagula kaco cid aan ogolaansho bixin Karin , isagoo marnaba fal danbiyeed ku sheegin ta raali lays kaga yahay oo aan wax ciqaab ahna aan u sheegin ( eeg qodobka afraad faqradiisa koowaad xarafkiisa b , qodobka 7 aad faqradiisa koowaad xarafka b iyo t , qodobka 8 aad faqradiis koowaad , qodobka 9 aad faqradiisa koowaad .

Tani waxa markhaati cad u ah xeerarka xeerkan laga soo dheegtay oo iyagu arin kan si cad u sheegaya oo aan u maldahin sida xeerkani u maldahay .