Seynab C/Raxmaan Khaliif oo ah Gabar Soomaali ah ayaa ka soo muuqatay Maxkamad ku taalla Dalka Australia kaddib markii lagu soo eedeeyay in ay ka tirsantahay Ururka Daacish.
Seynab oo ah kalkaaliye Caafimaad ayaa la qabtay iyada oo qaadeysa heeso ay ku taageereyso Ururka Daacish,waxaa kale oo Taleefankeeda gacanta laga helay 127 muuqaal oo Dacaayadaha Ururka Daacish ah.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Seynab ay xubin ka tahay Ururka Daacish,islamarkaana intii ay baaritaanka wadeen soo ogaadeen in ay xiriir la leedahay saddex Gabdhood oo jooga Syria,kuwaas oo ku jira Daacish.
Eedaha loo heysto waxaa ka mid ah in ay qorsheyneysay Safar dalka Turkiga ah si ay uga sii gudubto Syria.
Booliska Federaalka Austalia ayaa Seynab ka qabtay Magaalada Xeebta leh ee Adelaide ee Dalka Australia Bishii May ee sanadkii la soo dhaafay.
Kaaliye Booliska Federaalka ah oo lagu magacaabo Ian McCartney,ayaa sheegay in aysan beegsaneyn midabkeeda iyo Diinteeda balse ay beegsanayaan aragtida ay heysato ee u daacad noqoshada Urur Argagixiso.
Dacwad oogaha Maxkamadda Chris Winneke ayaa sheegay in Seynab ay Xabsiga ku jireyso ilaa Bisha October oo mar kale Maxkamadda la soo taagayo.