Muqdisho:Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Amniga 

0
215

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulankooda labaad ee kalfadhiga afaraad, iyadoo kulanka maanta looga hadlayo xaalada amniga Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada ayaa xalay farriimo qoraaleed loogu diray ajandaha kulanka maanta oo ah amniga magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay dood ka yeeshaan amniga Muqdisho, iyadoo la filayo in looga yeero Hey’addaha Amniga, si su’aalo looga weydiiyo

Habeen hore ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.

Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa ku jira Isbitaalka Digfeer, waxaana qaraxii habeen hore ku dhintay darawalkiisa.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u sheegay in amniga Muqdisho aanan la isku haleyn karin, isla markaana Xildhibaanada is ilaaliyaan.