Wasiir Islow oo Denmark kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalkaasi

0
210

Wasiirka Amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya.

Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatey iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah.

Sidoo kale Denmark ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xarunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya