Somalia:Bangiga Adduunka oo 9 million ku maalgalinaya kaabayaasha dhaqaalaha 

0
221

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleyso Bangiga adduunka ayaa bilaabaysa mashruuc gacan weyn ka geysan doono kaabayaasha dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Magaca Mashruucaasi ayaa ah “SURP”, kaasi oo la sheegay inuu ku bixi doon dhaqaalo gaaraya 9 Milyan oo dollar, sida dowladda iyo Bangiga aduunka ay sheegeen.

Hindisahan ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee dalku marayo imtixaan rasmiga oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ah.

“Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dowladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaarto”. Sidaasi waxaa yiri Hugh Riddell, oo u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya.

Mashruucan waa ka faa’ideysanaya magaalooyinka Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baidoa.  Magaalooyinkaas waxaa loo doortay waa kuwa ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya.

Mashruucan waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto EUR 23.4 million.