Daawo Maamulka Xudur Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xafiisyada Dowladaha Hoose

0
224

Gudoomiyaha maamulka degmada Xudur ee xarun gobaleedka gobalka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaaladda guud iyo waxqabadka maamulkiisa mudada sagaalka bilood ah ee uu jiray.

Gudoomiye Maxamed Macalin ayaa sheegay in xaaladda guud gaar ahaan dhinaca amniga hadda ay tahay mid aad u wanaagsan taana ay suura geliyeen ciidamada maamulka koonfur galbeed oo had iyo jeer u taagan difaaca shacab weynaha ku nool gobalka Bakool gaar ahaan degmada Xudur.

Maxamed Macalin Axmed ayaa sidoo kale waxaa uu ka waramay waxqabadka maamulkiisa oo jirsaday sagaal bilood iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadan kooban ee ay maamulka hayeen, asagoona sheegay in wax badan ay wax ka qabteen baahiyaha arimaha bulshada iyo midda dhaqaale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in isku shaandhayn ay ku sameeyeen qaar kamid Xafiisyada dowladaha hoose ee degmada Xudur kuwaasi oo uu sheegay in isbedel lagu sameeyay si buu yiri loo dar dar geliyo howlaha horyaalo maamulka.

Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool oo jira muddo ku dhow sanad ayaa wada dadaalo wax looga qabanaayo horumarinta deegaanka iyo adeegyada bulshada.