Daawo Madaxweyne cusub oo loo magacaabay Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya

0
199

Kulan magaalada Addis ababa uga socday xisbiga talada haya ee maamulka Soomaalida Itoobiya ESPDP, iyo odayaal ka soo jeeda degaankaasi ayaa si KMG ah madaxweyne loogu magacaabay Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya tan iyo sanadka 2020 oo la qabanayo doorashada degaankaasi ee madaxweynaha, waxaana uu xilka kala wareegayaa madaxweynihii KMG ahaa ee sida degdeg ah loogu dhiibay xilkaasi markii uu is casilay Cabdi Iley, ahaana wasiirkii maaliyadda maamulkaasi Axmed Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha cusub oo la isku raacay inuu xilkaasi qabto ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn ugu kacsan madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley, isla markaana cambaareyn jiray xadgudubyada ciidamadii maamulkaasi ee Liyu Police.

Mustafa Muxumed ayaa ah aqoonyahan bartay dhaqaalaha dhinaca beeraha, waana 45 sano jir ku dhashay magaalada Dhagaxbuur, isagoo lagu wado xilkan loo caleemo saaro, sida ay

Axmed Cabdi Maxamed oo xilkan sii hayey ayaa bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegay inay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI.