Codsiga Diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta ku eg

0
189

Waxaa maanta oo Talaado ah ku eg diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo guddiga qaban qaabada doorashada uu ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya gelinka dambe ee maanta la soo gabagabeynayo diiwaan gelinta.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa sheegay in is diiwaan gelinta Musharaxiinta inay si wanaagsan u bilaabatay, isagoo ugu baaqay Musharaxiinta kale ee aan is diiwaan gelinta inay heystaan maanta oo kaliya.

Waxaa uu sheegay Musharaxiintii is diiwaan gelisay ay buuxiyeen dhamaan shuruudihii Guddiga uu soo bandhigay, isla markaana la siiyay shahaadadooda Musharaxnimo.

Illaa Shan musharax ayaa shalay is diiwaan geliyay, kuwaasoo la guddoonsiiyay shahaadooyinka Musharaxnimo, waxaa Musharaxiinta is diiwaan geliyay ka mid ahaa C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Ibraahin Isaaq Yarow, Saalim Caliyow Ibrow iyo Sheekh Cali Maxamed Nuur.

Musharaxiinta qaar oo ka mid ahaa Golaha Wasiirada ayaa iska casilay, inkastoo Wasiirka Biyaha Saalim Caliyow Ibrow aanu is casilaadiisa aanay noqon mid si rasmi ah uu u shaaciyay.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhici doonta 30-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota, waxaana Musharaxiinta ay ku guda jiraan ololahooda ugu dambeeyay oo ay ku kasbanayaan Xildhibaanada.