Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Prof Jawaari oo gaarey Turkiga + Sawiro

0
220

jawariTR

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa gaarey dalka Turkiga, wafdiga Gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaare ayaa qadar saacado ah ku hakadey garoonka diyaaradaha ee Ataturk Airport ee magaalada ugu weyn ee dalkaasi ee Istanbul,  isagoo saacado gaaban ka dibna uga sii gudbey magaalada Caasimada ee Ankara, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk Airport ee magaalada Istanbul kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga oo uu ka mid yahay Duqa magaalada Istanbul ayadoo Gudoomiyaha iyo Duqa magaaladana ay wadahadal kooban ku yeeshan qeybta nasashada (VIP) ee garoonka diyaaradaha.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka mid ah Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha waxaana ay wafdiga caawa u ambabixi doonaan magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga.

Maalinnimada berri ah waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu wadahadallo gaar gaar ah Ankara kula qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga,Ra’isulwasaare Recep Tayip Erdogan,Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha hay’adda
hormarinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA.

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah adkeynta iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo mudooyinkan aad usii xoogeysanayey ayadoo Gudoomiyaha Baarlamaankana uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Dalkan.

DSCN5382 DSCN5383 DSCN5385 DSCN5396 DSCN5398 DSCN5399 DSCN5402

Idale News Istanbul, Turkey