Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Seirra Leone oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la geeyay magaalada Kismaayo, kuwaasoo qeyb ah howl galka AMISOM.
Ciidamadan oo gaaraya 145 Boolis ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee Booliska AMISOM, waxaana ay la howl geli doonaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubbaland ee magaalada Kismaayo.
Illaa 15 sarkaal Boolis ka socda dalka Seirra Leone ayaa uga sii horeeyay ciidamadan magaalada Kismaayo, waxayna ka qeyb qaadan doonaan tababarka Ciidamada Booliska Jubbaland iyo ilaalinta sharciga.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii hore 2017 meel mariyay qaraar fasaxayay in Ciidamada Booliska ee Nabad Ilaalinta AMISOM la gaarsiiyo illaa 1,040.
Seirra Leone ayaa waxaa horay uga joogay Soomaaliya Ciidamo Milateri ah oo qeyb ka ahaa howl galka AMISOM, hase ahaatee sanadkii 2015 ayay kala baxeen, kaddib markii uu dalkooda ka dilaacay cudurka Ebola.
Dalalka Nigeria, Ghana, Uganda, Kenya, Seirra Leone iyo Zambia ayaa ka mid ah dalalka Ciidamada Booliska ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howl galka AMISOM.