Maamulka Somaliland oo soo dhaweeyay Iscasilaada Axmed Ismaaciil Samatar

0
194

eeeeevshgfffffffffffffs kgfs

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Maamulka Somaliland C/risaaq Cali Cismaan ayaa waxa uu si diiran usoo dhaweeyay Iscasilaada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu dhawaan ku dhawaaqay.

Wasiir, C/risaaq Cali Cismaan ayaa waxa uu sheegay inay sugayeen Iscasilaadaasi iminkana ay soo dhaweynayaan in Axmed Ismaaciil Samatar, iska Casilo Xilka uu u haayay Baarlamaanka Somalia.

Wuxuu sheegay iscasilaada Axmed Ismaaciil Samatar inay waxbadan ka badaleyso Hanaanka Siyaasadeed ee Maamulka Somaliland isagoona si gaar ah u xusay in Maamulka uu ka dhowr sugaayo in Axmed Ismaaciil Samatar uu soo gaaro Magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Faahfaahin dheerad ah kama bixin Sababihii ka dambeysay Iscasilaada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, balse waxa uu muujiyay inuu waxbadan ka ogaa Iscasilaadaasi hayeeshe uu ka gaabsaday.

Si kastaba ha ahaatee, Warqada Codsiga ee Istiqaaladda Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa ay iminka taalla Xafiiska sare ee looga Arimiyo Golaha Baarlamaanka Somalia iyadoona weli Baarlamaanka Somalia ka jawaabin Istiqaaladaasi balse lafilayo in dhawaan ay Jawaab ka bixiyaan.

Idale News Muqdisho