XFS oo War kasoo saartay Go’aanka ay ka gaareyso Xiriirka Imaaraadka

0
205

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aya lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka lagu soo celin lahaa loona xallin lahaa ismaan dhaafka labada dowladood.

Kaddib markii 8dii Bishan April dowladda Federaalka ah ay Magaalada Muqdisho ku qabatay diyaarad sidday Lacag dhan $9.6Milyan oo doollarka Mareykanka waxaa cirka isku shareeray xiriirka labada dowladood.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in xiriirka labada dal caadi lagu soo celiyo islamarkaana waxaa dowladda Imaaraadka looga mahad celiyay kaalinta ay ka qaadatay la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada kale ee ay ka waddo dib u dhiska dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lagu sheegay in ismaan dhaafka labada dowladood yahay mid laga gudbi karo iyada oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in labada dowladood ay wadaagaan xiriir Taariikhi ah,mid dhaqaale,Amaan iyo xiriirro kale oo badan.