Wiil yar oo saddex maalmood oo keliya ifka joogay, ayaa markii ugu horreysay lagu kala iibsaday mareegta internetka ee Facebook, kaas oo la kala siistay adduun gaadhaya ?9,660 lacagta Ingiriiska ah, kadib markii laga xaday awoowgii aabbo oo isaguna u sheegay hooyadeed oo cusbitaalka ku umushay in wiilkeedii yaraa dhintay.
Ciidammada bilayska degaanka Punjab ee dalka Hindiya, ayaa sheegay in nin lagu magacaabo Firoz oo ilmahan yar ku dalbaday lacag dhan Rs 45,000 Rubbiga Hindiya ah, isla markaana ka baayacday mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha cusbitaalka wiilka yari ku dhashay.
Ilmahan yar waxa aakhirkii uu iibsaday ganacsade fadhigiisu yahay magaalada Delhi, kaasoo ku iibsaday lacag dhan Rs 800,000 Rubbi oo u dhiganta ?9,660 lacagta Ingiriiska, waxaannu heshiiska lagu kala iibsaday ka dhacay barta Facebook ee dadku ku kulmaan.
Sida warbaahinta maxalliga ah ee dalka Hindiya tebiyeen, hooyada dhashay wiilka yar oo la yidhaa Noora ayaa ku umushay cusbitaal ku yaal magaalada Ludhiana April 10, 2013, kadibna cusbitaalka ka xadday kalkaaliso caafimad oo lagu magacaabo Sunita iyo nin magaciisa lagu sheegay Gurpreet Singh oo shaqaalaha cusbitaalka ka mid ah, iyagoo ku dooday in ilmaha yar meyd yahay, sidaasna dibadda ugula baxeen si ay u iibsadaan.
Isla 12 April 2013 ayaa dad aanay garanayn guriga u yimaaddeen Noora, kadibna waxay siiyeen aabbaheed Firoz lacag dhan Rs 45,000 Rubbiga Hindiya ah, kadib Noora oo ay saygeeda hore u kala tageen ayaa ka shakiday sida dhaqsaha ah ee aabbaheed u taajiray, dabadeedna si degdeg ah ayey ciidammada booliska ugu wargelisay arrintaas.
Mr. Firoz oo muddo lagu daba jiray, baadhitaannana lagu sameeyey ayaa waxa caddaatay inuu ka dambeeyey iibka ilmaha yar.
Ciidammada ammaanka ee Hindiya, ayaa gacanta ku wada dhigay dhammaan dadkii ku lug lahaa iibka ilmaha yar, waxaanay ogaadeen in aabbaha hooyada ilmahan yar dhashay uu doonayey inuu lacaga lagu iibiyo ilmaheeda ugu guuriyo nin kale, kadib markii ay ninkeedii hore kala tageen.
Wuxuu doonayey inuu ilmaha meesha ka saaro si uu guur ugu heli inantiisa ay kala tageen aabbaha wiilkan yar ee sida axmaqnimada ah loo kala iibsaday.? Sidaa waxa yidhi Mr. Ishwar Sign oo Taliyaha Bilayska magaalada Ludhiana oo u warramay Telefishanka NDT.
Idale News Muqdisho