Mr.Putin Madaxweynaha Rushka oo Israa’iil ku eedeeyay in diyaaradaheeda dagaalka ay weerareen Suuriya

0
201

Afar iyo toban ruux ayaa dhintay ama dhaawacmay ,kadib markii hubka gantaalada lagu soo weeraray garoon diyaaradeed oo ay isticmaalaan ciidamada cirka ee dalka Suuriya.

Dhowr gantaal ayaa aroornimadii saakay lagu weerararay saldhigga ciidamada cirka ee Tiyas oo sidoo kale loo yaqaanno T4,kaas oo u dhow magaalada Xumus,sida ay xaqiijiyeen Wakaaladda Wararka dalka Suriya ee Sana.

Xukuumadda Raashiya ayaa dalka Israa’iil ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen gantaaladaasi lagu garaacay dalka Suuriya,gaar ahaan gobolka Xumus.

Afhayeen u hadlay ciidamada Raashiya ayaa sheegay in laba diyaaradood oo ka mid ah kuwa dagaalka ay sideed gantaal ku dhufteen saldhig ciiidan .

Xukuumadda Suriya ayaa horay ugu andacootay in weerarkaasi lagu qaaday saldhigga ciidan ay lug ku leeyihiin wadamada reer Galbeedka,hasa yeeshee dowlada Mareykanka iyo Faransiska oo horay u sheegay in ay jawaab bixinayaan ayaa beeniyay in ay gacan ku lahaayeen gantaaladaasi lagu weeraray dalkaasi.

Dowladda Israa’iil oo dhowr mar weeraro ku qaaday dhulka Suuriya,ayaa illaa hadda aan wax jawaab ah ka bixin gabtaaladaasi.

Weerarkaan ayaa yimid xilli ay jiraan qeylo-dhaan ku aadan in ciidamada Suuri