Taliyaha Ciidamada Raaskambooni oo si kulul uga hadlay Wararka sheegaya in Barre Hiiraale uu Ciiddamo la galay Kismaayo

0
192

hgfhffyrf6r

Maxamuud Qaalib, Taliyaha Amaanka Magaalada Kismaayo Ahna Taliyaha Ciidamada Raaskambooni, ayaa waxa uu si kulul uga jawaabay Haddalo dhawaan ay baahinayeen Warbaahinta Afka Somalia ku hadasha.

Taliyaha oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin Ciiddamo ka tirsan kuwa Raaskambooni iyo Ciiddamo uu wato Barre Hiiraale oo isku hor fadhiya gudaha Magaaladda.

Maxamuud Qaalib, wuxuu sheegay in Warbaahinta ay bilowday inay ololiso Siyaasadaha isdiidan iyo kuwa isu dhaw oo ka jira Kismaayo, wuxuuna si cad u baahiyay in waxa Kama Jiraan ay tahay Wararka  Sheegaya in Ciidamo Ka tirsan Raaskambooni Iyo Kuwa Ka Amar Qaata Barre Hiiraale In Ay Isku Hor Fadhiyaan Gudaha Magaaladaasi.

Maxamuud Qaalib waxa Meesha Ka Saaray In Barre Hiiraale uu Wax Ciidan ah la Galay Gudaha Magaalada Kismaayo Marka Laga Tago Sida uu Hadalka u dhigay Laba Askari oo ilaaladiisa ah, Waxa uuna sheegay in Xiligaan Amaanka Magaalada Kismaayo uu yahay mid aad u wanaagsan Wax Dhibaato Ahna Aysan Jirin Magaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu gacanta ku dhigay in kabadan 6-Gaari nooca dagaalka kuwaasoo si gaar ah u ilaalin doona isla markaana ay Dowladda Somalia ugu tala gashay inay wax ka qabtaan Ammaan darida Magaaladda Kismaayo ka jirta.

Idale News Muqdisho