Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u falanqeeyay weerarada xoogeysanaya ee Al Shabaab la eegayaan fariisamaha AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka Soomaaliya.
Kulanka Golaha amaanka ayaa kusoo aaday maalmo uun kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Uganda ku leeyihiin degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Golaha amaanka ayaa sheegay inay cambaareynayaan weerarkaasi iyo kuwii ka horeeyay ee lala eegtay saldhigyada AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka Soomaaliya.
“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in Argagixisada dhammaan qaabkeeda iyo muuqaalkeedu ka dhigan yahay mid ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda Nabadda Adduunka iyo ammaanka, waxaan ka xunnahay weerarkii dhcay 1-dii bishan, talaabo is bedel ah ayaa jiri doonta.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha.
Waxay hoosta ka xariiqeen Golaha baahida loo qabo in la keeno dembiileyaasha, qaban qaabiyeyaasha, maal-galiyeyaasha iyo kafaalad-qaadayaasha ficilladan, taasi bedelkeeda ayay isku raaceen in ay kordhin doonaan taageerada dhaqaale ee ay siinayaan Ciidanka AMISOM, si ay u yareeyaan weerarada khatarta leh ee Al-shabaab.