Wargeyska The Observer ee kasoo baxa ayaa qoray in gudoomiye ku xigeenka dalka Uganda ayaa u yeeray Wasiirka difaaca dalkaas si wax looga weydiiyo askartii dhawaan lagu dilay gobolka Sh/hoose.
Wararku waxay sheegay in ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Uganda Jaakob Awlaanyah uu u yeeray wasiirka difaaca wadankaas Adolf Mwesige waxana wax laga weydiinaya tirada rasmiga ah ee askarta Uganda uga geeriyooday weerarkii Al-Shabab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee G/Sh/hoose.
Jakob Awlaanyah waxaa uu sheegay in dadka dalka Uganda ay u baahanyihiin inay ogaadaan khasaaraha ciidamadooda soo gaaray sidaa darteedna xukuumada laga sugayo inay tiro koob rasmi ah soo saarto.
Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Uganda waxaa uu xusay inay wasiirka uga baahanyihiin inuu xildhibaanadda la hor akhriyo tirada rasmiga ah ee askarta geeriyootay iyo magacayadoodaba taasoo ah mid keeni karta in tiro koob la helo.