X/Mooshinka ka keenay Jawaari oo sheegay in aanay ka tanaasulin mowqifkooda

0
165

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in aanay ka tanaasulin mooshinkii ay wadeen, iyagoo ka dhawaajiyay in maalinta Arbacada ee soo socota horgeynayaan Baarlamaanka.

Dadaalo labadii maalmood socday oo lagu xalinayay khilaafka ka dhashay mooshinka ayaa wax horumar ah laga sameyn, marka la eego dhinaca mooshinka wada oo ku adkeysanaya in mooshinka sidiisa ay u geynayaan Baarlamaanka.

 

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hormuudka u ahaa Mooshinka Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha aanu wali la hadlin raggii mooshinka waday, isla markaana aanu sharci u laheyn inuu mooshinka burburiyo.

“Madaxweynuhu lama hadlin raggii mooshinka waday, wax sharci ahna uma lahan inuu burburiyo mooshinka, waxaa uu la kulmay Guddoonka Baarlamaanka, anagana waxaa naga go’an in aan Arbacada horgeyno Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaanka.

Inkastoo Madaxweynaha uu ku guuleystay inuu hakiyo kulanka Baarlamaanka ee loo balansanaa Sabtidii, hadana ma uusan wali ka gaarin wax xal ah khilaafkii taagnaa, waxaana la sheegay in kulamo uu la qaatay Guddoonka Baarlamaanka, xubno ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka wada iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Lama oga halka uu xaalka ku dambeynayo, maadaama dhinacii mooshinka waday ay ku adkeysanayaan in mooshinka ay sidiisa u geynayaan Baarlamaanka, isla markaana aanay jirin wax tanaasulaad ah.