Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo Ciidamada ammaanka ka sameeyeen Shibis iyo Xamar weyne

0
204

Howlgallo baaritaano oo saacado badan qaatay ayaa xalay Ciidamada ammaanka ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Shibis iyo Xamarweyne, kaasoo dad fara badan lagu qabtay.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay, markii xalay lagu dilay degmada Xamarweyne Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaas, halka mas’uul kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale howl galka degmada Shibis ayaa ka dambeeyay, markii bam gacmeed lagu tuuray bar koontarool oo ciidamada amniga ka sugayeen ammaanka.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax ayaa sheegay in howl galadan ahaa kuwo lagu sugayay amniga, waxaa uu tilmaamay in lagu qabqabtay dad looga shakiyay inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Shabaab.

Waxa uu sheegay in dadka lagu qabtay howl galka, lagu wado baaritaan, wxii ka soo baxana ay la wadaagayaan warbaahinta.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal amni daro iyo dilal, waxaana dilkii ugu dambeeyay xalay ka dhacay Xamarweyne sheegatay Xarakada Al-Shabaab.