Kenya :Muwaadiniinteeda doonaya iney u soo safraan Somalia kuna biiraan Shabaab

0
172

Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo dhalinyaro ah oo u dhashay dalkaasi oo doonayay in ay u safraan Soomaaliya, si ay ugu biiraan Xarakada Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in labadaasi dhalinyarada ah oo magacyadooda lagula sheegay Suleyman Hemed iyo Salaama Salim in ay ka soo qabteen dhawaan deegaanka Takaba oo ka tirsan magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Labadaasi muwaadin ee ka soo jeeda Kenya ayeyBboolisku tilmaameen in ay shaqooyin u hayeen Al Shabaab oo ay u qaabilsanaayeen in dhalinyaro badan ay ku biiriyaan Al Shabaab, iyagoo ka qorayay gudaha dalkaasi.