deg deg:Qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Koofurgalbeed oo ugu baaqay Jawaari inuu is casilo

0
199

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Guddoomiye Jawaari in uu xilka ka dego.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye Jawaari ay ka doonayaan in uu tixgaliyo codsigooda maadaama ay kasoo jeeddaan isku gobol ayna ka codsanayaan in uu iscasilo.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa u muuqday kuwo Caddaadis saaraayay Guddoomiye Jawaari oo sheegay in uu doonaayo in Mooshinka laga keenay la horgeeyo Baarlamaanka.

Waxa ay sheegeen xildhibaanada maanta ku kulmay Muqdisho in xildhibaanada Mooshinka keenay ay ka badan yihiin 200islamarkaana inta uusan hortagin baarlamaanka in laga doonaayo in uu codsigooda tixgaliyo.

Hase yeeshee guddoomiyaha Baarlamaanka Pof. Jawaari ayaa hore u sheegay in uusan is casilayn oo uu ku yimid, kuna baxayo cod.