Nairobi:Maxkamadda sare oo Aadan Ducaale u xukmisay kursiga Xildhibaanimo ee Gaarisa

0
183

Maxkamadda sare ee Nairobi ayaa saaka u xukmisay Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya, Kursiga Xildhibaannimo ee Gaarisa Township, kaasoo dhowaan dacwad laga gudbiyay.

Faarax Macalin oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa dacwad ka gudbiyay kursigan oo markii hore looga adkaaday, hase ahaatee Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay in caddeyn ku filan uu u keeni waayay eedihii uu soo jeediyay ee doorashada kursigan.

Maxkamadda sare ee Nairobi ayaa sharci ku tilmaamtay doorashada kursigan, waxaana Faarax Macalin ku xukuntay inuu bixiyo lacag dhan 6 milyan oo lacagta Kenya ah oo qeyb ka mid ah la siinayo Aadan Ducaale, halka qeybta kale la siinayo Guddigii doorashada ee baaritaanka waday.

Faarax Macalin ayaa sheegay inuu xushmeynayo Maxkamadda, hase ahaatee go’aanka uu ahaa mid qalad ah, isla markaana uu racfaan ka qaadanayo.

Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Gaarisa ayaa aheyd kuwii ugu adkaa, waxaana wali Maxkamadda yaala dacwado laga keenay qaar ka mid ah kuraastii doorashooyinka deegaanada gobolka waqooyi bari Kenya.