Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Beker iyo wafdi uu hoggaaminayo wasiirka howlaha guud iyo Dib u dhiska Eng sadiq Abdullahi Abdi ayaa waxay booqdeen deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wafdigan ka socday Turkiga ku casuumay Goobweyn oo ah dhul barwaaqo ah, ahna dhul loo dalxiis tagi karo.
Waxaa la socday Olgan Beker ganacsato Turki ah oo doonaya inay maalgashi ku sameystaan deegaanka Goobweyn.
Dowladda Turkiga ayaa maalmaha soo aaddan waxay mashaariic horumarineed ka sameyn doontaa magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo Jubbaland ka tirsan.