Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta shan cisho ku kala bixin doona afar dal oo Afrikaan ah, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada.
Erdogan ayaa booqanaya dalalka Algeria, Mauritania, Senegal iyo Mali, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda wadamadaas.
Madaxweyne Erdogan ayaa booqashadiisa u horeysay 26-ka bishan ku tagaya dalka Algeria, waana markii labaad oo Madaxweyne Turkish ah uu booqdo dalkaas.
Shirar ganacsi ayaa qeyb ka noqon doona safarkiisa oo ay la yeelan doonaan dalalka Algeria iyo Senegal.
Booqashada uu ku tagayo dalalka Mauritania iyo Mali ayaa noqon doonta tii u horeysay oo Madaxweyne Turki ku tago dalalkaas.
Madaxtooyada Ankara ayaa sheegtay in kulamada uu la qaadan doono madaxda dalalka uu booqan doono ay la xiriiraan sidii xiriirka iyo iskaashiga gobolka iyo midka caalamka loo xoojin lahaa.
Bishii December ee sanadkii hore Madaxweynaha Turkiga ayaa booqasho afar cisho qaadatay ku kala bixiyay dalalka Sudan, Chad iyo Tunisa.
Tan iyo sanadkii 2004 Erdogan ayaa booqasho ku tagay 24 dal oo Afrikan ah, kuwaasoo intooda badan heshiisyo labo geesood uu la soo saxiixday.