Deg deg: M/Farmaajo “Sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ku buuxineynaa Taliyeyaasha banaan”

0
184

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC, isagoo ka hadlay sanad kaddib wixii u qabsoomay tan iyo markii uu xilka qabtay.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, siyaasadda, iyo arrinta mucaaradka, waxaa uu xoo hadal qaaday amniga oo uu sheegay in mas’uuliyad weyn uu ka saaran yahay in shacabka ka difaacaan Argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay sababta wali loo soo magacaabi la’yahay Taliyeyaasha ka banaan Booliska iyo Nabadsugida ayuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo buuxin doonaan, isagoo xusay in wali howsha ay socoto, isla markaana ay wax fiican qabteen Kusimayaasha Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

Mar wax laga weydiiyay xirnaanshaha waddooyinka iyo waxa iska bedelay balan-qaadkiisa doorashada ee ahaa in aan la xireyn jidadka ayuu sheegay in aanay arrinta aheyn sidii ay filayeen, isla markaana ay is bedeshay xaqiiqada, isagoo xusay in ugu horeyn ay si taxadar leh iyo ka hortagid ay ku sameyeen in Shabaabka ay shacabka ku dhex dhuuntaan, ayna baabuur qarax sida uu soo dhex galo meel shacabka ku sugan yihiin.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay safarada badan uu galay iyo eedeyntii uu Madaxdii ka horeysay u jeedinayay safarada badan, waxaana uu tilmaamay in safarada uu galay ay ahaayeen kuwo muhiim ah, isla markaana hal sano kaliya wax lagu qiimeyn karin, lana sugo marka uu dhameysto afarta sano.

Waxaa la weydiiyay arrinta mucaaradka oo weeraro lagu qaaday, gaar ahaan weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana uu Madaxweynaha ku gaabsaday in arrintaas ay Maxkamad taalo, isla markaana aanu dooneyn inuu ka hadlo illaa Maxkamadda ka soo dhamaato.