Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda.
Annagoo aqoonsan muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay heshiis ka gaaraan dakhliga Kalluumeysiga.
Markaan aragnay baahida loo qabo in ilihii dhaqalaha dalka dib loo soo nooleeyo si ay dowladda ugu suurta-gasho in ay ku fillaato bixinta kharashyada sugidda amniga iyo dib-u-dhiska waddanka oo ay ugu muhiimsan yahiin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Markaan aragnay baahida loo qabo in si caddaalad ah oo daahfuran loo maamulo dakhliga kalluumeysiga.
Markaan aragnay qodobka 52aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah oo qeexaaya in awoodaha iyo dakhliga kheyraadka ay ka wada xaajoonayaan Dowaladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda.
Markaan aragnay qodobka 14aad ee Sharciga Kallumeysiga Soomaaliya ee soo baxay 2014 kuna saabsan rukhsadaha kallumeysiga.
Markaan tixgelinnay danta guud ee Dalka iyo Dadka waxaan ku heshiinay qodoboda soo socda: