Nadaafadda waxay ka mid tahay adeegyada asaasiga ah ee ka qeyb qaata caafimaadka iyo fayadhowrka, waxaana muddo dheer maareynta qashinka magaalada Muqdisho uu ahaa shaqooyinka ugu waaweyn ee Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Waaxda Nadaafadda ee Dowladda hoose ayaa iyaduna ahayd hay’adaha ugu shaqaalaha badan, waxayse taasi isbedeshay markii ay dhacday dowladii Soomaaliya, waxayna qeybtan ka mid noqotay qeybaha soo kaban waayey oo maamuladii G/Banaadir isaga danbeeyay ay ku guuldarreysteen in si buuxda loo soo celiyo adeegii ay dadka u heysay.
Dowladii Xasan Sheekh ayaa aakhirkii xilligiisa Disember 2016 gacanta u geliyay shirkadda ECCO howlaha nadaafadda Gobolka Banadir, taasoo lala galay heshiis qarsoodi ah oo aan ilaa iminka shacabka loo soo bandhigin, waxaana heshiiskaasi lagu amray gobolka Banadir iyo saxiixo xilligii uu madaxda ka ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Shirkadda ECCO waxay la timid Qalab fara badan, iyadoo qoratay shaqaale isla markaana ka howlgashay degmooyinka G/Banaadir oo dhan, waxaana maamulka G/Banaadir uu baabi’iyey shirkado yaryar oo qashinka ka qaadi jiray xaafadaha iyo degmooyinka Muqdisho.
Shirkadda ECCO waxaa leh ganacsato Soomaaliyeed iyadoo saamigeeda ugu badan leedahay shirkadda HASS.