Kulankaan deg dega ah ayaa waxa shir gudoominaya Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen guudlaawe,waxana looga hadlayaa xaaladaha guud ee Deegaannada Maamulak Hir-Shabeelle.
Wararka aan heleyno oo ku saabsan kulankaas ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka lagu xog wareysanayo Wasiirada amniga iyo Maaliyadda Maamulka Hir-Shabeelle kuwaas oo ka hadli doonaan waxyaabihii u qabsoomay.
Kulanka oo weli socda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda markii uu soo gaba gaboobo qodobo muhiim ah laga soo saari doono.
Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo aan maalmahaan kulmin ayaa hadda waxaa Xildhibaanada qaar ay sheegeen in lala xisaabtami doono.