Idalenews:Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay mid ka mid ah sharciyadii u horeeyay, kaasoo uu dhowaan ansixiyay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sharciga Isgaarsiinta qaranka ayaa la horgeeyay Golaha Aqalka sare, kaasoo ay maanta ka doodi doonaan, Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur ayaa hor-geeyay golaha shacabka sharcigan.
Sharcigan oo marxalado kala duwan soo maray, isla markaana aan Baarlamaanka ansixin 10-kii sano ee u dambeeyay ayaa waxaa la filayaa marka Aqalka sare ansixiyaan in Madaxweynaha uu saxiixo, si uu dhaqan gal u noqdo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan soo dhoweeyay ansixinta sharcigan, isagoo ugu baaqay Golaha Aqalka sare in muddo kooban ku ansixiyaan sharciga Isgaarsiinta, si uu u saxiixo.
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur ayaa noqday Wasiirkii u horeeyay ee soo mara Wasaaradda ee Baarlamaanka ka ansixiya sharcigan oo marar badan baarlamaanka ka gudbi waayay.
Golaha Aqalka sare oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ah Gole cusub oo sanadkii hore la soo doortay, waxaana dad badan horay su’aal uga keeneen jiritaankiisa, maadaama Soomaaliya waligeed laheyd Hal Baarlamaan tan iyo sanadkii 1960.
Hase ahaatee Aqalka sare oo ay ku matalaan 54 xubnood oo ay soo doorteen Baarlamaanada dowlad goboleedyada ayaa ah Aqalka ugu sareeya ee yeelan doona ansixinta kama dambeysta ee sharciyada ay ansixiyaan Golaha shacabka.