Idalenews:Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkan gudihiisa booqasho rasmi ah uu ku tagaya magaalada Qaahira ee dalka Caasimadda Masar, kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Masar C/fataax Al-Sisi.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo uu horaanta todobaadkan uu booqasho ku tagi doono Masar.
Xafiiska Madaxweynaha ayaa la sheegay inay taallay casuumaada rasmiga ah oo ka timid Madaxweynaha Masar dhamaadkii bishii May, xilligaasoo labada Madaxweyne ay isku arkeen shirarka dalalka Islaamka iyo Mareykanka ee ka dhacay Sacuudi Carabiya.
Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa xaqiijisay booqashada Madaxweynaha ku tagayo todobaadkan, iyadoo soo saartay ogeysiis ku socda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Masar in Madaxweynaha uu la kulmi doono 21-ka bisha oo ku beegan Isniinta
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Masar ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee dalalka Khaliijka, waxaana go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafkaas la sheegay in aanay ku qancin xulafada Sacuudiga.