Dhageyso:-Deg deg:-Abuu Mansuur oo gaaray Xudur iyo Dag dag diyaarad loogu dirayo, si loogu soo doofiyo Muqdisho

0
179

Idalenews:-Abuu Mansuur ayaa waxaa saaka deegaanka Abal oo uu muddo ku noolaa ka soo galbiyay Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60aad, kaddib markii ay maalin ka hor ugu gurmadeen deegaankii uu ku sugnaa.

Maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ayaa arrinsanaya sida laga yeelayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo saaka isku soo dhiibay, waxaana socda kulamo madaxda ay leeyihiin.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu u socdo kulan deg deg ah oo albaabada u xiran yahay.

Kulanka ayaa looga hadlayaa xaalada wadaadka oo gacanta dowladda Soomaaliya soo galay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in laga yaabo in dowladdu diyaarad u dirto Xudur, si loo keeno magaalada Muqdisho.

Mukhtaar Roobow ayaa gooni u goosad ka ahaa Al-Shabaab, tan iyo sanadkii 2013, markii uu soo baxay khilaafka ka dhex bilowday Saraakiil uu ka mid ahaa iyo Amiirka Al-Shabaab, waxaana khilaafkaas uu sababay in xubno ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday Axmed Godane la dilo, halka qaar kale uu isaga ku jiray ay ka baxsadeen.

Waxaa uu markii dambe degay deegaanka Abal oo uu ku dhashay, waxaa uu deegaankaas uu degenaa illaa dilkii Hoggaamiyihii hore Al-Shabaab iyo intii Kooxdu yeelatay hoggaan cusub oo loo doortay Axmed Cumar Abuu Cubeyda, waxaa la sheegaa in go’aanada Al-Shabaab gaareysay uu dibad joog ka ahaa, maadaama uu markii hore banaanka uga baxay.

Al-Shabaab ayaa wadaadka culeys soo saaray tan iyo wixii ka dambeeyay markii Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada, waxaana ay ciidamo badan dul dhigtay aagga uu ku sugnaa, si aanu uga tagin, waxaana Al-Shabaab ka dalbadeen inuu isku soo dhiibo, balse waa uu ku gacan seyray.

Arbacadii la soo dhaafay ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaanka uu ku sugnaa Mukhtaar Roobow, si ay u dilaan ama nolol ugu soo qabtaan, hase ahaatee Maleeshiyadii taabacsaneyd ayaa iska difaacay dhowr jeer oo ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Abal iyo nawaaxigiisa.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa gurmad ciidan u fidiyay wadaadka, si looga bad baadiyo weerarada Al-Shabaab, waxaana wada hadalo ay ka qeyb qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed lagu guuleystay inuu aqbalo in loo qaado Xudur.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ugu caansanaa Al-Shabaab 10-kii sano ee u dambeeyay ee Kooxda isku fidineysay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa uu soo noqday Afhayeenka Guud ee Xarakada, sidoo kale waxaa la sheegaa in mar uu noqday Kuxigeenka Amiirka Al-Shabaab, waxaa ay sanadkii 2013 is khilaafeen Amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane.