Deg deg: Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle oo socda

0
182

Idalenews:-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble oo aan labadii bilood ee la soo dhaafay tagin magaalada Jowhar ayaa wajahaya culeys uga imaanaya Baarlamaanka, waxaana muuqata in aanu xilligan heysan aqlabiyada Baarlamaanka, waxaana uu kalsoonida ku weyn karaa saddex meel labo meel.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay inay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo uu gabo gabo ku dhow dhow saxiixa mooshinka, si loogu gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in xalay illaa shalay ay Xildhibaanada wadeen kulamo gaar gaar ah iyo is dhaarsi ku aadan, sidii mooshin ay saxiixeen Xildhibaano gaaraya 50-meeyo ay u diyaarin lahaayeen.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cosoble inuu ku xadgudbay dastuurka, keligiisna iska gaaro go’aanada, isla markaana aan la tashi la sameyn maamulka.

Warar ay heleyso idalenews.com ayaa sheegaya in Mooshinka laga diyaariyay Madaxweyne Cosoble ay illaa haatan saxiixeen 40 meeyo Xildhibaan, waxaana la filayaa in maanta loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka.

“Xildhibaanada Hirshabeelle waxay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha, saxiixiisa ayaa hada gabo gabo ku dhow, waxaa u gudbineynaa Guddoonka Baarlamaanka, sababo badan ayaana jirta oo Madaxweynaha lagu eedeynayo oo ka mid ah shaqo gudasho la’aan iyo xadgudub dastuur.

Gabagabadii mamulkas Dhowr jeer oo hore ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelele ay mooshin ka diyaariyeen Madaxweynaha dib uga laabtay, kaddib wada hadalo lala galay, balse waxaa la ogeyn sida ay ku dambeyn doonto mooshinkan diyaar garowgiisa gaba gabada ku dhow.